Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI Oo Si Kulul Ugu Jawaab Wasiir Maxamed Kaahin Iyo Wasiir Saleebaan Cali Koore

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudane Maxamed Iid Dhimbiil oo ka mid ah saraakiisha Xisbiga WADDANI ayaa jawaab waafi ah siiyay Wasiir Maxamed Kaahin iyo Wasiir Saleebaan Cali Koore oo majaro habaabiyay hadal damqay oo hore xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI uga jawaabay wasiir Koore.
Waxa uu sheegay in Xisbiga WADDANI bulshada reer Sool, Sanaag iyo Togdheer iyo guud ahaan bulshada JSL sharaf iyo xushmad u wada hayo “Sool iyo Sanaag dadka deggan ee Wasiir Koore ka soo jeedo Xisbiga WADDANI waxba kama sheegin ee wanaag iyo kalgacal buu u hayaa waxaana daliil u ah sidii hufnaanta lahayd ee WADDANI uga shaqeeyay sidii guddoomiyaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif u noqon lahaa oo isba u dhashay gobolladaas,” ayuu yidhi Mudane Dhimbiil.
Waxa kale oo uu tilmaamay in hadalka Wasiirku ka damqaday yahay mid marag loo hayo oo hore wasiirku saxaafadda uga sheegay “Kalmadda Xoghayuhu yidhi ee damaqday Saleebaan Cali Koore maaha been abuur ee isaga hore u yidhi ‘Somaliland horena uguma qanacsanayn imikana kuma qanacsani oo Youtube-ka laga helaya hadalkiisii..”
Mudane Maxamed Iid Dhimbiil waxa kale oo uu ka jawaabay hadalka wasiir Maxamed Kaahin ku difaacay wasiir Koore “Wasiir Maxamed Kaahin waxa waan waydiinayaa sababta kalmadda Xoghayaha WADDANI meel kadhac u noqotay hadalkii Taliyaha ciidankuna ummadda dhan iyo ciidamada Badhan joogay uu lahaa 20 sanno ayay mushahar ku joogeen bilaashana meel ka dhac u noqon wayday? Maxay kalmadda Xoghayuhuna u reerawday hadalkii taliyuhuna u reeroobi waayay?
Waxaan leeyahay xilliyadii reeraha la is cunsiinayay waynu soo dhaafnay oo 94-kii bay ahayd oo lagu galay reeraha qaarkood Soomaaliweyn bay doonayaan, maanta in filinkaa la ciyaarsiiyo oo la xoqo meesha ma taallo,”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this