Sign in to follow this  
Deeq A.

Tobanka dhisme ee ugu qaalisan adduunka+Cadadka Lacagta Masjidul-xaramka lagu qiimeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Tobanka dhisme ee ugu qaalisan adduunka+Cadadka Lacagta Masjidul-xaramka lagu qiimeeyay

Xaramka
Xaramka

Daraasad ay sameysay xarunta MSN money ee ka faalooda dhaqaalaha adduunka gaar ahaan dhismayaasha ganacsi ayaa lagu soo bandhigay dhismayaasha kuwooda ugu qaalisan adduunka.

Waxaan daraasadda diiradda lagu saaray 30-ka dhisme ee ugu qaalisan adduunka iyadoo Sucuudiga ay ku yaallaan labada xarun ee ugu qaalisan adduunka oo uu kamid yahay Xaramka.

Sahanka MSN Money uu sameeyay sanadkii 2019-kii ayaa lagu ogaaday in Xaramka uu yahay dhismaha ku fadhiya qiimaha ugu qaalisan adduunka.

Daraasadda ayaa intaas ku dartay in ballaarinta iyo dayactirka sanado badan lagu sameynayay Xaramka ay horseeday in la geliyo agab badan oo qaali ah taasina ay ka dhigtay in uu noqday dhismaha ugu qaalisan adduunka oo uu ku fadhiyo $ 100 bilyan oo doolar.

Xaramka, Maka, wuxuu ku fadhiyaa $ 100 bilyan oo doolar

Xaramka

Xaramka iyo masaajidka ugu weyn adduunka ee ku yaalla magaalada barakeysan ee Maka, wuxuu sanad kasta qaabilaa Muslimiinta xujeyda ah oo gaareysa in ka badan 4 milyan oo qof, waxaana lagu qiyaasaa in dhismaha Xaramka la geliyay lacag gaareysa $ 100 bilyan oo doolar.

Waxaana kharashkan inta badan uu ku baxay agabka nashqadeynta iyo dayactirka Xaramka xilli uu isbaddalayo dhaqaalaha adduunka.

Dhismaha Abraj Al Bait, Maka wuxuu ku fadhiyaa $16 bilyan oo doolar

Dhismaha Abraj Al Bait, Maka
Dhismaha Abraj Al Bait, Maka

Dhismahan wuxuu ku yaalla meel u dhaw Xarameynka, waxaana la dhisay sanadkii 2012.

Waxaa lagu qiyaasa qiimaha lagu dhisay $16 bilyan oo doolar.

Abar Al Beit waxaa loo dhisay in uu qaado xajueyda gaar ahaan madaxda iyo dadka taajirka ah.

Waxaana dhismahan ku yaalla saacadda ugu weyn adduunka.

Abraj Al Beit waa dhismaha ugu qaalisan adduunka marka laga reebo Xarameynka.

Jasiirad loo damaashaad tego oo ku taalla Singapore

Marina Bay Sands
Marina Bay Sands

Jasiiradda loo dalxiis tego ee Marina Bay Sands oo ay ku yaallaan huteelo, waa dhismaha saddexaad ee ugu qaalisan adduunka, waxaana ku fadhiyaa qiimo lagu qiyaasay $6.2 bilyan oo doolar.

Marina Bay Sands waxaa la dhameystiray sanadkii 2010.

Xarunta shirkadda Apple, Cupertino

Apple Park, Cupertino
Apple Park, Cupertino

Apple Park, waa xarunta shirkadda Apple ee ku taalla Cupertino, ee gobolka California dalka Mareykanka,

Waana dhismaha afaraad ee ugu qaalisan adduunka.

Waxaana dhismaha lagu bixiyay qiimo dhan $ 5 bilyan oo doolar.

Dhismaha huteelka Cosmopolitan, Las Vegas

Ginin Cosmopolitan, Las Vegas
Ginin Cosmopolitan, Las Vegas

Dhismaha huteelka Cosmopolitan ee ku yaalla Les Vegas dalka Mareykanka ayaa la dhisay 2009.

Waxaana la geliyay dhismihiisa lacag gaareyso $ 3.9 bilyan oo doolar.

Huteelkan waxaa ku yaalla goobo waaweyn oo lagu caweeyo iyo 3,200 qolalka lagu qabto shirarka, waana dhismaha shanaad ee ugu qaalisan adduunka.

Xarunta cusub ee ganacsiga adduunka ee New York

Xarunta ganacsiga adduunka ee New York,
Xarunta cusub ganacsiga adduunka ee New York,

Xarunta cusub ee ganacsiga adduunka ee New York, waa dhismaha lixaad ee ugu qaalisan adduunka, sida laga soo xigtay MSN Money.

Waxaana sanadkii 2012 lagu dhisay qiimo gaarayo $ 3.8 bilyan oo doolar balse haatan waxay ku fadhidaa $ 4 bilyan oo doolar.

Waa dhismaha haatan ugu dheer Mareykanka.

Dhismaha baarlamaanka Bucharest

Dhismaha baarlamaanka Bucharest
Dhismaha baarlamaanka Bucharest

Dhismaha baarlamaanka Bucharest waxaa la dhisay sanadkii 1984, wuxuu ku fadhiyaa $ 3.9 bilyan oo doolar.

Dhismahan wuxuu ku yaalla dalka Romania.

Dhismaha Emirate Palace

Dhismaha iyo huteelka Emirate
Dhismaha iyo huteelka Emirate

Dhismaha iyo huteelka Emirate wuxuu ku yaalla magaalada Abu Dhabi, wuxuu u eg yahay qasriga madxtooyada, waxaana gudihiisa ku yaalla dhowro xarumood oo isugu jiro dukaamo waaweyn iyo huteelo kuwa raaxada ah.

Waxaana la dhisay 2005, waxaana qiimaha lagu dhisay lagu qiyaasay $ 3 bilyan oo doolar, qiimaha hadda uu ku fadhiyo ayaa ka badan midkaas.

Xarunta Wynn, Las Vegas

Xarunta Wynn, Las Vegas
Xarunta Wynn, Las Vegas

Waxaa ku yaalla huteelada kuwooda ugu quruxda badan adduunka, waxaa sidoo kale ku yaalla goobo lagu caweeyo.

Sanadkii 2005, waxaa xarigga laga jaray xarunta Wynn, waxaa ku yaalla qolal gaaraya 2,716, waxaana dhismihiisa ku baxday $ 2.7 bilyan oo doolar, haatan wuxuu ku fadhiyaa in ka badan $ 3.4 bilyan oo doolar.

Qasriga boqorka Brunei

Qasriga Brunei ee Nuurul Iimaan
Qasriga Brunei ee Nuurul Iimaan

Qasrigan waxaa la dhisay sanadkii 1984, waxaa ku baxday $ 1.4 bilyan oo doolar.

Qasriga Brunei (Nuurul Iiman) waa qasriga ugu qaalisan adduunka, welina waa mid taagan.

Dhismahan wuxuu xarun u yahay dowladda Brunei, wuxuu ka kooban yahay qolal gaarayo 1,788, wuxuu qaadaya dad gaarayo 5,000 qof.

Sultaanka Brunei, Hassanal Bolkiah wuxuu kamid yahay dadka ugu taajirsan adduunka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this