Deeq A. Posted September 12, 2021 Wasiirka waxbarashada sare ee maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay in haweenka dalkaasi ay si caadiya wax u baran karaan oo aysan jirin cid u diidan Wasiirka ayaa tilmaamay ay waajib tahay in fasalladu ay noqdaan kuwa kala saara ragga iyo dumarka, islamarkaana ay haweenku xirtaan lebiska Islaamiga ah. Abdul Baqi Haqqani oo ah wasiirka ayaa ku soo bandhigay siyaasaddan cusub shir jaraa’id oo uu qabtay, maalmo ka dib markii maamuleyaasha cusub ee Afghanistan ay dhiseen xukuumad dhammaan xubneheedu ay rag yihiin. Taalibaan ayaa sheegtay in ay hadda is bedeshay, oo ay ku jirto sida ay ula tacaamuli doonaan haweenka. Laakinse, waxa ay gacan bir ah u adeegsadeen haween maalmihii la soo dhaafay u bannaan baxayay in ay helaan xuquuq siman. PUNTLAND POST The post Taalibaan oo ka hadashay Waxbarashada Haweenka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites