Sign in to follow this  
Deeq A.

Ujeedada Kulan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada S/land la yeeshay…..

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda UK u qaabilsan Somalia Kate Foster, madaxa xafiiska Hargeysa ee dawladda UK Stuart Brown iyo madaxa siyaasadda ee xafiiskaasi Khadar Muxumed.
kulanka ayaa lagaga wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa xeerarka muhiimka ah ee ay labada dhinacba danaynayaan iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta xafiiska Hargeysa ee dawladda Ingiriiska iyo Golaha Wakiillada Somaliland.
Danjireyaasha Dawladda Ingiriiska ayaa ballan qaaday in ay gacan ka gaysan doonaan horumarinta cilaaqaadka baarlamaanka Somaliland la yeelanayo baarlamaannada iyo dalalka Caalamka.
Kulanka waxa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre), lataliyaha xidhiidhka caalamka ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Ibraahim iyo agaasimaha qorshaynta ee Golaha Wakiillada Cabdinaasir Cismaan.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is afgarad iyo wada shaqayn.
241809274_1253581978436655_2039151968700
241792593_1253582035103316_4274509297041
241750269_1253582078436645_7928898670371
241918869_1253582148436638_7176356262489

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this