Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI Ma Ka Faa’iidaysan Doonnaa Fursadaha Dahabiga Ah Ee Siyaasadeed Ee Horyaal?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo haysta fursaddo siyaasadeed oo qaaliya,kuwaas oo wakhtigan horyaal,isla markaana la dhawrayo sida uu uga faa’iidaynsan doonno.Xisbiga WADDANI ayaa doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka dhacay bishii May ee sannadka 2021 ka gaadhay guullo kale duwan,kuwaas muujinayey in bulshada reer Somaliland ay dannaynayso Xisbiga WADDANI,isla markaana ay la dhacsan tahay siyaasaddiisa.

Haddaba guusha Xisbiga WADDANI uu ka gaadhay doorashooyinkaas ayaa soo jiidatay siyaasiyiin baddan iyo tageerayaal baddan,kuwaas oo u arka in Xisbiga WADDANI uu mustaqbal siyaasadeed leeyahay,isla markaana uu ku guullaysan karro doorashooyinka kale ee soo socda.

Dhanka kale faallaqeeyayaasha arrimaha siyaasadada Somaliland ka faallooda ayaa ku dooddaya in Xisbiga WADDANI uu haysto fursado siyaasadeed oo qaaliya,isla markaana la dhawrayo sida uu uga faa’iidaysto,halka qaar-na ay ku doodayaan in hal xidhidhaale kale uu horyaal Xisbiga,kaas oo ah shir weynaha Xisbiga oo la filayo inuu dhammaadka bisha tobnaad ee sannadkan 2021 uu qabsoomo

Siyaasi Jaamac Shabeel oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-“Shaxda god ayaa jira aan la bannayn oo la yidhaah irmaan oo inta laguu dego lagu odhanayo gurro bahasha,Godkii irmaanta ayuu banneeyey Muuse Biixi oo ninkii isaga ka soo horjeeday ayuu u banneeyey,shaxda waxa wadda dhigayey WADDANI iyo KULMIYE ayaa shaxda ciyaaraya Godkan uu ka guurray waa irmaan,haddii iyaga laftoodu gartaan reer WADDANI weeye.”ayuu yidhi.

Si kastaba ha-ahaatee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa wakhtigan waxa horyaala fursado baddan oo siyaasadeed,kuwaas oo la dhawrayo sida uu uga faa’iidaysan doonno,waxaynu dhawrnaa waa Xisbiga WADDANI iyo in uu ka faa’iidaysto fursadahaa Siyaasadeed iyo in kale oo uu iska daayaco.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this