Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Fashil Ku Soo Dhammaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Kadib kulan saacado badan qaatay oo shalay ilaa xalay u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xilli dambe oo xalay ah waxa natiijo la’aan ku soo idlaaday.

Dad xog ogaal ah ayaa BBC-da sheegay in arrinta taliyayaasha ay labada mas’uul u kala magacaabeen hay’adda sirdoonka iyo kiiska Ikraan Tahliil ay yihiin qodobada ugu adag ee la isku fahmi waayay.

Lama oga in wadahadallada oo ay dedaal badan ku bixiyeen madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed mar kale dib maanta dib la isugu soo laaban doono.

Xiisad siyaasadeed oo culus ayaa ka billaabatay Soomaaliya kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex galay labada mas’uul ee ugu sarreysa dalka, oo kala ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Waxaa hadda socda waanwaan lagu dhexdhexaadinayo.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa billaabay dadaal xooggan oo ujeeddadiisu tahay in xal loo helo muranka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, si dalka oo markii horeba nuglaa looga badbaadiyo xasarado hor leh.

Isku dhaca madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa abuuray cabsi xoog leh iyo walaac laga muujinayo inay sii xumaato xasiloonida Soomaaliya oo isu diyaarineysay doorashada waqtigeeda ka dib dhacday

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this