Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay sababta loo gubay Masaajidka magaalada Manchester?

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxay tahay sababta loo gubay Masaajidka magaalada Manchester?

.

Booliska Britain ayaa sheegay inay baarayaan fal dambiyeed dab lagu qabadsiiyay masaajid ku yaalla magaalada Manchester.

Ma jirto cid wax ku noqotay dabka galinkii dambe ee habeenkii Jimcada ka kacay masaajidka Desbury, sida ay saraakiisha boolisku sheegeen.

Maamulka masaajidka ayaa u mahad celiyay dadka dariska la ah oo dadaal xoog leh ku bixiyay daminta dabka, iyagoo adeegsanayay baaldiyaashooda.

Hanjabaado muddo socday

Waxa ay intaas ku dareen inay dhowr sano soo gaarayeen hanjabaado ka imaanayay dad ku gooddinayay inay masjidkaas dab qabadsiin doonaan, haddana ay u muuqato in qaarkood ay ka dhabeeyeen hanjabaaddooda.

“Haddii aannaan garab weyn ka heli lahayn dadka deegaanka ee ku dhow goobta uu masaajidka ku yaallo, kama fikiri karo waxa dhici karay, waxay nagu caayiyeen inay baaldiyaashooda ku soo qaadaan biyo ay dabka ku damiyaan, ma garaneyno si aan ugu mahad celinno,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay mas’uuliyiinta gacanta ku haya masjidka.

Ma jirin cid wax ku noqotay dabka

Howl wadeennada dab damiska ee Greater Manchester ayaa sheegay in shaqaalahooda ay labo saacadood ku ku sugnaayeen goobtaas, haddana booliska ay baarayaan sababta keentay dhacdadan.

Ku xigeenka duqa magaalada Manchester, Lutfur Rahman, ayaa sheegay in gubitaanka masaajidka uu ahaa “fal lagu abuurayay cabsi iyo naceyb”.

“Waxaan bogaadinayaa dariska qeylo dhaanta sameeyay, waxay ka turjumayaan astaanta saxda ah ee magaalada, lama mid aha kuwa dabka sababta u ah,” ayuu yiri.

Maamulka masaajidka, oo shaaciyay muuqaal ay xilliga dhacdada duubeen kaamirooyinka la socda dhaqdhaqaaqa, ayaa dadka deegaanka ka codsaday inay feejidnaadaan, iyagoo ugu baaqay inaysan aqbalin dadka dhibaatada wada ee dhexdooda ku jira.

Muxuu masaajidkan u noqday Bartilmaameed?

Muddo sannado ahba isha ayaa lagu hayay masaajidka Desbury, sababtoo ah waa meesha ay ku tukan jireen Salman Abedi iyo qoyskiisa. Abedi ayaa ka mid ahaa dadkii qaraxa ka fuliyay fagaaraha loo yaqaanno Manchester Arena.

20 qof ayaa ku dhimatay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 2017-kii ka dhacay Manchester

Abedi ayaa dilay 22 qof markii uu qarax ismiidaamin ah ku beegsaday xaflad ka socotay xaruntaas sanadkii 2017-kii.

 

Weerarkaas kaddib, mid ka mid ah dadka gacanta ku haya masaajidka ayaa sheegay in ninkaas oo 22 jir ahaa uu u muuqday qof xirxiran.

Tan iyo xilligaas, Maskidka waxa uu fuliyay howlo aad loogu amaanay oo dhinaca bulshada ah, waxaana ka mid ahaa inuu caawinaad badan sameeyay markii ay fatahaadaha dhaceen xagaagii lasoo dhaafay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this