Sign in to follow this  
Deeq A.

Malayshiyaadkii ku dagaallamay Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye oo maanta la kala qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddigii nabadaynta colaadda Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye, ayaa maanta ku guulaystay in la kala qaado dhinacyadii ku dagaallamay degaannadaas.

Guddi oo ka kooban labada dhinac ayaa si rasmiya u kala qaaday labadii malayshiya-beeleed ee dirirtu dhexmartay, si loo bilaabo wada-hadal nabadeed.

Midkood ayaa loo raray balli lagu magacaabo Godimaale oo qiyaastii 25KM dhanka koonfureed ka xiga tuulada Birta-dheer oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Ciidankii fadhiyay Sanga-jebiye ayaa iyana loo raray degmada Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool.

Sidoo kale,  waxa lagu wadaa in ay bilowdaan wada-hadallo ku saabsan nabadaynta labada dhinac, si loo xalliyo xiisaddaas oo ku salaysan muranka dhuleed.

PUNTLAND POST

The post Malayshiyaadkii ku dagaallamay Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye oo maanta la kala qaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this