Deeq A. Posted September 12, 2021 Muqdisho (Caasimada Online) – Wada-hadalladii saacadaha badan qaatay ee xalay illaa shalay u socday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu kala tagay, ayada oo aysan wax natiijo ah oo kasoo baxay, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Wada-hadallada ayaa u burburay qodobka la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan NISA, oo lagu tuhmayo gacanta hay’adda, iyo habka loo baarayo. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay inuusan marnaba ogolaaneyn in kiiska Ikraan Tahliil Faarax lagu sameeyo baaritaan madax-banaan, oo ay baarto maxkamadda ciidamada qalabka sida, halka ra’iisul wasaare Rooble uu sheegay inuusan marnaba aqbaleyn in kiiskaas la daboolo oo gabadhaas iyo qoyskeeda aysan helin caddaalad. Xubno ku dhow madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo wada dhex-dhexaadinta ayaa sheegay in ay aad ula yaaban yahay sababta madaxweynaha uu uu caddaalad ugu diidan Ikraan iyo qoyskeeda. Wararka qaar ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay inuu aad u ilaalinayo taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, ama laga yaabo in kiiska uu madaxweynaha naftiisa lugaha la galo. Waxaa sidoo kale la isku mari waayey qodob la xiriira cidda noqoneysa taliyaha cusub ee NISA, kadib markii labada taliye ee ay kala magacaabeen Farmaajo iyo Rooble la isla ogolaaday in meesha laga wada saaro oo mid cusub la magacaabo. Farmaajo ayaa ku adkeystay inuu doonayo inuu soo magacaabo taliyaha cusub, hase yeeshee Rooble ayaa soo jeediyey inay ka wada tashtaan, si qof lagu wada qanacsan yahay loo magacaabo. Ma cadda waxa xiga doono burburka wada-hadallada, iyo cidda guusha siyaasadeed ay ku dambeyn doonto. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maalmihii tegay dib u dhigayey qorshe uu xarunta NISA ku geyn lahaa taliyaha cusub ee NISA Bashiir Maxamed Jaamac, ayada oo xarunta aageeda ay joogaan ciidanka Duufaan ee taageersan Farmaajo, halka xarunta ay haystaan ciidanka Waran ee taageersan Rooble. Ra’iisul Wasaare Rooble oo diidan in uu sabab u noqdo isku dhac ciidan oo ka dhaca Muqdisho iyo in lagu eedeeyo in uu weerarka isaga bilaabay ayaa doonayey inuu wada-hadallada fursad siiyo, balse ma cadda tallaabada uu hadda qaadi doono. The post Wada-hadalladii Farmaajo iyo Rooble oo lagu kala tegay appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites