Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Hal qodob kaliya oo la isku hayo wada-hadalladii Farmaajo iyo Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya wada-hadallada laga dhex wado madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegaya in hal qodob oo kaliya uu ka harsan yahay heshiis buuxa oo ay gaaraan.

Shirar socday maanta oo dhan ayaa waxaa ka dhashay guddi labada dhinac ka kala socdo oo loo saaray inay ka soo doodaan qodobada la isku hayay, si ay heshiis uga soo gaaraan, kadibna loo soo saaro war-murtiyeed

Farmaajo ayaa waxaa guddigiisa ka mid ah Xildhibaan Cabdishakuur Mire iyo Aadan Qoryooley oo ah Wasiirka Boostada Isgaarsiinta Galmudug, oo saaxib dhow la ah Fahad Yaasiin. Dhanka Rooble ayaa waxaa ka wakiil ah wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji Carab iyo wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, waxaana korjooge ka ahaa Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Guddiga labada dhinac ayaa lagu warramay inay isku afgarteen dhowr qodob, ayada oo Farmaajo uu aqbalay xil ka-qaadista Fahad, iyo wasiirka amniga Xasan Xundubey.

Si kastaba, qodobka la isku hayo ayaa ah cidda noqoneysa taliyaha cusub ee NISA. Guddiga ka socda Farmaajo ayaa soo jeediyey in labada taliye ee ay kala magacaabeen Farmaajo iyo Rooble la isla bixiyo oo loo daayo Farmaajo inuu soo magacaabo taliye cusub.

Hase yeeshee, guddiga matalaya Rooble ayaa taas ku gacan seeray, waxaana ay dalbadeen in haddii labada taliye la isla bixinayo ay tahay in laga heshiiyo magacaabista taliyaha cusub, oo laga tala geliyo Ra’iisul Wasaaraha, si qof lagu wada qanacsan yahay loo magacaabo.

Guddiga ayaa markii ay is-mari waayeen ayaa waxaa wada-hadal isugu laabtay Farmaajo iyo Rooble, oo hadda ka shirsan arrintan taliyaha NISA, waxaana la filayaa inay ayaga xal ka gaaraan.

The post Xog: Hal qodob kaliya oo la isku hayo wada-hadalladii Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this