Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Shirkadda Ku Guuleysatay Qandaraaska Xarraashka Hawlgabka Gaadiidka Dawladda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddida qandaraasyada qaranka Somaliland ayaa ku dhawaaqday shirkadda ku guuleysatay qandaraaska xarraashka hawlgabka gaadiidka dawladda, oo ay kusoo tartameen afar shirkadood.

Waxaana goob joog ahaa mas’uuliyiinta ugu sar saraysa guddida qandaraasyada qaranka, shirkadaha ku tartamayay qandaraaskaasi iyo mas’uuliyiin ka socota wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland. Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen oo ku dhawaaqay shirkadda ku guuleystatay qanadaraaska xarraashka hawlgabka gaadiidka dawladda oo noqotay Yurub Xuseen Abiib, waxaana uu ugu baaqay shirkaddaasi in sida ugu habboon ay u fuliso qandaraaskaasi ay ku guuleysatay.

Geesta kale, guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in qandaraaskaasi loo soo bandhigay qaab daahfuran isla markaana loogu tartamay daahfurnaan, isagoo u rajeeyay nasiib wanaagsan shirkadihii kale ee aan ku guuleysan qandaraaskaas. Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay agaasimaha waaxda gaadiidka iyo farasamada ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Muuse Ibraahin Yuusuf waxaana uu sheegay inay wasaarad ahaan ay soo dhaweynayaan sida daahfurnaanta leh ee uu u dhacay tartankaasi.

Gebogebadii waxa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah tartamayaashi ka qayb galay qandaraaskaasi oo sheegay inay ku qanacsan yihiin sida uu dhacay tartankaasi, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this