Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee dhexdhexaadinta Farmaajo iyo Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210911_180220749.jpg?resi

Madaxweynayaasha dowlada goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo dhexdhexaadinayay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Waasaare Rooble ayaa ku guuleystay in ay markii ugu horreysay isku keenay labada ma’suul oo maalmihii la soo dhaafay khilaaf xoogan ka dhexeeyay.

Waxaana hadda kulan gaara oo albaabadu u xiran yihiin u socdaa madaxweyne iyo Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo ay uga wadahadlayaan qodobada khilaafku ka taagan yahay.

Kalankan waxaa ka horreeyay kulan kale oo ka dhacay xarunta madaxtooyada oo la iskugu keenay labada mas’uul, kaas oo laga gaaray sida wararku sheegayaaa. is afgarad hordhac, waxaana kulankaas ka qeygalay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farjaamo iyo Ra’iisul Waaasre waxaa khilaafkooda xudun u ah magacaabista Taliyaha KMG ah ee NISA iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Farmaajo ayaa wararku sheegayaan in uu ogolaaday in Taliyaha KMG ah ee NISA uu noqdo Bashiir Goobe, halka Ra’iisul Wasaare Rooble uu ogolaaday sida wararku sheegayaan joojinta dacwada kiiska Ikraan Tahliil.

Weli ma jiro is afgarad rasmi ah oo ka soo baxay wadahadalada ay garwadeenka yihiin Qoorqoor iyo Laftageeraan.

PUNTLAND POST

The post Wararkii ugu dambeeyay ee dhexdhexaadinta Farmaajo iyo Rooble appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this