Sign in to follow this  
Deeq A.

Waan-waan hordhac ah oo laga gaaray colaaddii Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye

Recommended Posts

Deeq A.   

Waan-waan hordhac ah ayaa laga gaaray colaaddii ka aloosnayd tuulooyinka Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye, sida ay Puntland post u xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Guddi ka kooban labada dhinac oo ku hawllan xallinta colaaddaas, ayaa go’aamiyay in maalinta berri ah la kala qaado malayshiyaadkii ku dagaallamay Saax-maygaag iyo Finley, si loo bilaabo wada-hadal nabadeed.

Dhinacyada hubaysan midkood, ayaa sida qorshaysan la gayn doonaa balli lagu magacaabo Godimaale oo ka tirsan tuulada Birta-dheer ee Gobolka Nugaal, islamarkaana qiyaastii 25KM dhanka koonfureed ka xiga Laamiga.

Sidoo kale, Dhinaca fadhiya Sanga-jebiye ayaa iyana la gayn doonaa degmada Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool.

Tallaabadaas kadib, waxa lagu wadaa in ay bilowdaan wada-hadallo ku saabsan nabadaynta labada dhinac, si loo xalliyo xiisaddaas oo ku salaysan muranka dhuleed.

PUNTLAND POST

The post Waan-waan hordhac ah oo laga gaaray colaaddii Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this