Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Guud Ee WADDANI Oo Sheegay In Saaka Uu Hadyad U Diray Madaxwayne Bixi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in saaka hadyad u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse BIixi Cabdi.

Xoghayaha Khadar ayaa ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu ku yidhi sida tan: “Waxa aan saaka hadiyad ahaan ugu diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi buugga la yidhaahdo 30/30 Somaliland 2050. Waa buug ay qormadiisa isugu tageen aqoonyahan reer Somaliland ah. Buuggu waxa uu ka hadlayaa taariikhada 60 sanno oo Somaliland soo martay, waxaa kale oo uu hilaadinayaa 30 sanno oo soo socda.

Madaxweynaheennu 60-ka sanno ee aan soo dhaafnayba goob joog ayuu ahaa in badan oo ka midana siyaasi ayuu inoo ahaa. Waxa aan kula talin lahaa marka uu akhriyo in uu is weydiiyo maxaa 60-kaa sanno sabab u ahaa wixii innaga xumaaday sidee ayaan se uga dheeraan karnaa in aanay 30-ka sanno ee soo socda inaga xumaanin, gaar ahaan waxa aan u soo jeedinayaa inuu Madaxweynuhu akhriyo bogga-ka 280-281 iyo 296-298.

Adigu maxaad saaka u hadiyadeyn lahayd Madaxweynaha?

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this