Sign in to follow this  
Deeq A.

Nugaal: Eng Jebiye oo ballan-qaaday in uu ceel u qodayo degaan biya la’aan looga guuri lahaa

Recommended Posts

Deeq A.   
5-3.jpg?resize=960%2C618&ssl=1

Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha urur siyaasadeedka Caddaalad iyo Sinnaan, Eng Maxamuud Khaliif Xasan (Jebiye), ayaa safar ku soo maray degaanno kala duwan oo ka tirsan degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha iyo wefdigiisa oo u kuur-galayay xaaladda nololeed ee ka jirta halkaas ayaa safar ku soo maray degaannada Qarxis, Dhiganle, Diillin iyo Xasbahalle oo dhammaantood ka tirsan degmada Eyl.

Bulshada kala duwan ee ku nool tuulooyinka iyo degaannadan ayaa si weyn u soo dhoweeyay wefdiga urur siyaasadeedka Caddaalad iyo Sinnaan oo uu hoggaaminayay guddoomiye Eng Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye.

Wefdiga ayaa kulamo la yeeshay Bulshada degaannadaas oo uu ka dhegaystay baahiyaha dhanka nolosha, gaar ahaanna xaaladda biya la’aanta ka jirta tuulooyinka qaarkood.

Degaanka Dhiganle oo qarka u saarnaa in biya la’aan looga guuro, kadib markii dowladdu waxba ka qaban wayday, ayuu guddoomiye Jebiye u ballan-qaaday in uu Ceel u qadi doono, si looga baxo biya la’aanta jirta.

“Urur Siyaasadeedka Caddaalad iyo Sinnaan waxa uu markasta u taagan yahay ka jawaabista dareenka bulshada.” Ayuu yiri Eng Jebiye.

Halkaan hoose ka eeg sawirada

  • 1-9.jpg?resize=960%2C640&ssl=1
  • 2-5.jpg?resize=960%2C640&ssl=1
  • 3-4.jpg?resize=960%2C618&ssl=1
  • 4-4.jpg?resize=960%2C619&ssl=1
  • 5-3.jpg?resize=960%2C618&ssl=1
  • 6-1.jpg?resize=960%2C618&ssl=1
  • 7.jpg?resize=960%2C618&ssl=1
  • 8.jpg?resize=960%2C618&ssl=1
  • 9.jpg?resize=960%2C640&ssl=1
  • 10.jpg?resize=960%2C640&ssl=1
  • 11.jpg?resize=960%2C640&ssl=1
  • 12.jpg?resize=960%2C640&ssl=1
  • 13.jpg?resize=960%2C640&ssl=1
  • 14.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Nugaal: Eng Jebiye oo ballan-qaaday in uu ceel u qodayo degaan biya la’aan looga guuri lahaa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this