Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxbuus ka shifay magaca sarkaal Puntland ah oo Al-shabaab lacagta soo marin jirtay

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxbuus.png?resize=688%2C451&ssl=1

Ciidanka Xoogga Puntland ee PSF, ayaa soo bandhigay muuqaal lagu wareystay saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Xubnahan lagu wareystay barnaamijka ayaa ka shifay macluumaad ku saabsan, sida loo qorsheeyay weerarkii Al-shabaab ka fulisay xabsiga weyn ee Boosaaso, 5 March 2021.

Ka hor weerar, Al-shabaab ayaa lacag dhan $800 oo Dollar u soo diri jiray maxaabiista kaga xiran xabsiga weyn ee Boosaaso, sida uu sheegay mid kamid ah xubnaha lagu wareystay barnaamijkan.

Wuxuu sheegay in lacagtaas la soo marin jiray taliye ku xigeenkii saddexaad ee xabsiga weyn ee Boosaaso oo lagu magacaabo Jaamac dheere.

Sidoo kale, wuxu tilmaamay in markii dambe Al-shabaab kordhiyeen Lacagtaas oo gaarsiiyeen $1000 Dollar, islamarkaana qolalkooda loogu qaybin jiray dadka Al-shabaab ka xiran.

Mar uu ka hadlayay weerarkii xabsiga, ayuu sheegay in qorshayntiisa la bilaabay 2019, markaas oo maxaabiista qaarkood lagu sii war-geliyay diyaarinta weerarka.

PUNTLAND POST

The post Maxbuus ka shifay magaca sarkaal Puntland ah oo Al-shabaab lacagta soo marin jirtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this