Deeq A. Posted September 9, 2021 Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyada Gaalkacyo kulan kula yeeshay Isimada iyo madaxda dhaqanka Gobolka Mudug. War ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu kulan qado ah la qaatay isimada iyo madaxda dhaqanka Gobolkaas Mudug. Madaxtooyadu ma sheegin arrin gaar ah oo madaxweyne Deni kala hadlay Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Gobolka, balse wararku waxay sheegayaan in uu kala hadlay Arrimaha Gobolka iyo doorashada. Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan Goleyaasha dowladda sida Xildhibaano iyo Wasiiro, waxaa sidoo kale ka qeybgalay Lateliyayaal Madaxweyne, Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Isimada Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites