Deeq A. Posted September 9, 2021 Cabdullaahi Maxamed Nuur oo uu shalay Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay Amniga Gudaha ayaa maanta loo dhaariyay xilkaas. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta wasiirka cusub ee Amniga, waxaana dhaariyay Wasiirka Caddaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka u guto xilka loo idmaday. Dhaarinta ka dib wasiirka cusub ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda kula wareegay xilka. Dhanka kale wasiirkii uu Rooble xilka ka qaaday Xasan Xundubey ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri “waxaa xarunta Wasaaradda Amniga ka socda afduub lagu sheegay xil-wareejin”. PUNTLAND POST The post Wasiirka cusub ee Amniga oo xilka la wareegay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites