Sign in to follow this  
Deeq A.

Dacwad Lid ku ah Taliyihii Xilka laga qaaday ee Sirdoonka Somalia oo loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada+Cida Gudbisay 

Recommended Posts

Deeq A.   

Dacwad Lid ku ah Taliyihii Xilka laga qaaday ee Sirdoonka Somalia oo loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada+Cida Gudbisay 

fahad-4.jpg

Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay inuu qabatay cabasho lid ku ah Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan hay’adda sirdoonka ee NISA.

dacwaddan ayaa la sheegay inay gudbisay Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo horay uga tirsanayd hay’adda sirdoonka oo dhawaan la shaaciyay inay dhimmatay kadib markii la la’aa muddo laba bilood ka badan.

Qoraalka loo gudbiyay Maxkamada ayaa waxaa lagu xusay magacyada afar eedeysane oo loo heysto iney wax ka ogyihiin isa markaana shirqool ku dileen Ikraan TahliilMagacyada lagu xusay Dacwada waxay kala yihiin:-

  • 1-Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
  • 2-Yaasiin Farey
  • 3-C/llaahi Aadan Kulane
  • 4-Cabdiqani diirane (Wadna-qabad)

Hay’adda sirdoonka ayaa horay u sheegtay in Al Shabaab ay dishay Ikraan, eedeyntaasi oo  Al-Shabaab ku gacan saydhay.

Ra’iisal wasaaraha Somalia ayaa shaqada ka joojiyay taliyihii NISA Fahad Yasiin, taasoo ka cadheysiisay madaxweyne Farmaajo.Khilaafkii arrintaasi ka dhashay ayaa saaameyn ballaadhan ku yeeshay howlaha Xukumada farmaajo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this