Sign in to follow this  
Deeq A.

FARMAAJO Oo Looga Digay In Muqdisho Lagu Dili Karo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wasiirkii hore ee wasaarrada waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa madaxweynaha muddo xilleedkiisa uu dhammaaday ee Farmaajo uga digay in uu dagaal ka rido dalka.

Goodax Barre ayaa sheegay in dalka aanu ka bixi karin Farmaajo, haddii uu dagaal ka dhaco magaalada Muqdisho, maadama uu xili xasaasiga ah ka shaqeynayo iska hor-keenka dadka, taasi oo ku weyna karo naftiisa, sida uu sheegay

“Waxaa ogaata haddaa dalka dagaal ka ridid, magaalada Xamar meel la kala tagayo majirto, Xamar waa kala reebto, haddaad qaadid dagaal meel aad uga baxeyso majirto, haddaa isku haleynayso in Garoonka ka baxeyso, Airport-ka dad buu u xidhan yahay la yidhaahdo UN iyo AMISOM, hub inta Soomaaliya haysato ka badan ayey haystaan, Soomaali is-raacdeysaneysa ma u galeyso,” ayuu yidhi.

“Haddaad magaalada dagaal ka kiciso waxaa ku talo-gashaa mar haddaad ku dhex guuleysan karin ha ku dhiman, ha dhimanin waddankana kaalin xun ha usoo jiidin, adigu ma tihid nin naftiisa ka naxaya.”

Sidoo kale waxa uu ku eedeyay in uu asagu shisheeye u cararay, halka uu ku doodo inuusan marnaba aqbaleyn in shisheeyuhu soo fara-geliyo arrimaha dalkeena.

Goodax ayaa ugu dambeyntiina madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ku booriyey in uu ka wantoobo dagaal hurinta uu ka wado magaalada Muqdisho, oo ku soo koobnay, haddii kale uu naftiisa ku waayi doono.

https://www.facebook.com/watch/?v=4626079017436217

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this