Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Itoobiya oo shaaca ka qaadey xabaalo wadareedyo,Cida laysay & Cida la laayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Itoobiya oo shaaca ka qaadey xabaalo wadareedyo

grave.jpg

Saraakiisha dowladda Ethiopia, ayaa ku eedeeyey dagaal yahanada Tigreega, iney ku dileen 120 qof oo rayid ah ismaamulka ay dariska yihiin ee Amxaarada.

Waxey sheegeen iney shaaca ka rogeen labo xabaalo wadareed oo waa weyn, kuwaasoo ku yaalla degmada Dabat.

Saraakiisha ayaa intaa ku darey in dilkan la fuliyey labo maalmood gudahood oo ah horraantii bishan.

Ma jirto jawaab kasoo baxdey xoogagga Tigreega, kuwaasoo dagaal kala soo horjeeday dowladda federaalka Itoobiya, iyo kuwa isbaheysiga la leh illaa iyo bishii November ee sanadkii hore ee 2020-ka.

Ma jirto ilo wareed madax bannaan oo laga xaqiijin karo dagaalada ka socda waqooyiga Ethiopia.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this