Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka horyimid xilka qaadista Wasiirka Amniga

Recommended Posts

Deeq A.   
farmaajo333-640x427-630x420.jpg?resize=6

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka.

“Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” ayuu lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Qoraalka madaxtooyada waxaa lagu xusay in shaqada xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaasha Barlamaanka, hadana taas laga sugayo.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo ka horyimid xilka qaadista Wasiirka Amniga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this