Deeq A. Posted September 8, 2021 Ra’iisul Wasaare Maxmed Xuseen Rooble oo ka jawaabaya magacaabistii madaxweyne Farmaajo ayaa faray Agaasimihii uu KMG ugu magaacbay hay’adda NISA in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa. War-saxaafadeed ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu baahiyay warbaahinta dowlaadda ayaa lagu sheegay in qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu weli daba socdo mas’uuliyadihii uu wareejiyay ee doorashooyinka iyo amniga. Sidoo kale Rooble ayaa tallaabooyinka uu qaaday Madaxwayne Farmaajo ku tilmaamay kuwa lagu carqaladaynayo gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo sida uu sheehay horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan kiiskaas. Rooble ayaa markale faray xeer-ilaalinta iyo maxkmadda ciidammada qalabka sida in ay dardargaliyaan hawlaha baarista kiiska Ikraam Tahliil Faarax, si degdeg ahna u hor geeyaan maxkamadda awoodda u leh.Ra’iisul Waasare Rooble ayaa ku baaqay in loo midoobo sidii ay si nabadgalyo ah ugu dhammaan lahaayeen doorashooyinka dalka, isla markaana looga hor leexin lahaa wax kasta oo caqabad ku ah. PUNTLAND POST The post Rooble muxuu ka yiri magacaabistii uu sameeyay Farmaajo? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites