Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacaabistii Farmaajo oo laga masaxay warbaahinta dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   
images.jpeg?resize=225%2C225&ssl=1

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa laga masaxay/tirtiray wareegtadii magacaabista ee madaxweyne Farmaajo.

Bogga Facebook-ga ee Telefishinka Qaranka Soomaaliya oo markii hore lagu daabacay qoraalka madaxweyne Farmaajo ayaa isla markiiba laga tirtiray.

Sidoo kale qeybaha kale ee baahineed ee dowladda sida Sonna iyo Radio Muqdisho ayaa baahin qoraalka uu madaxweyne Farmaano ku magaacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka, Kusimaha NISA iyo Agaasimaha Madaxtooyada.

Shaqaalaha warbaahinta dowladda ayaa amar lagu siiyay in aysan baahin wareegtada madaxweyne Farmaajo, halka kuwii xafiiska madaxweynaha qaabilsanaa lagala noqday doorkii ay lahaayeen, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha warbaahinta dowladda.

Warbaahinta dowladda oo hoostaga wasaaradda warfaahinta ayaa waxaa saameeyay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda dalka.

  • 20210908_041645.jpg?resize=444%2C886&ssl
Qoraalka Farmaajo ee laga masaxay SNTV

PUNTLAND POST

The post Magacaabistii Farmaajo oo laga masaxay warbaahinta dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this