Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland maxay ka tiri shaqo ka joojinta Fahad Yaasiin?

Recommended Posts

Deeq A.   
Denii.jpg?resize=1000%2C730&ssl=1

Puntland ayaa taageertay go’aanka uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqada kaga joojiyay agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey agaasimihii hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan dastuurka dalka”

“Dowladda Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda dastuuriga ah” ayaa qoraalka lagu daray.

Puntland waxay sheegtay in ay Ra’iisul Wasaare Rooble ku bogaadinayso doorkiisa hoggaamineed ee dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga qaranka, hirgelinta doorashada iyo hoggaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.

Ugu dambayna Puntland waxay ku baaqday in cid walba ay illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.


PUNTLAND POST

The post Puntland maxay ka tiri shaqo ka joojinta Fahad Yaasiin? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this