Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Rooble oo la kulmay taliyaha cusub ee NISA iyo taliyeyaal kale + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Bashiir Maxamed Jaamac, oo uu xalay ku beddelay Fahad Yaasiin.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Rooble ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir, Yaasiin Farey iyo Farxaan Qaroole.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax, oo lagu tuhmayo hay’adda NISA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.

Kulankan ayaa imanaya saacado kadib markii uu Rooble shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasin, taasi oo uu ka horyimid madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. 

Kulankan ayaa muujinaya in Rooble uu si buuxdo u haysto taageerada taliyayaasha ciidamada ee saameynta leh, taasi oo meesha ka saareysa isku dayga madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu rabo inuu xilka ugu sii hayo Fahad Yaasiin. 

WhatsApp_Image_2021-09-06_at_6.03.12_PM. WhatsApp_Image_2021-09-06_at_6.03.15_PM- Kamaay.jpeg WhatsApp_Image_2021-09-06_at_6.03.15_PM. Shuute.jpeg Bashiir-Goobe.jpeg

The post DEG DEG: Rooble oo la kulmay taliyaha cusub ee NISA iyo taliyeyaal kale + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this