Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo taageertay Rooble, eedeyna u jeedisay Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Jubaland ayaa soo dhaweysay shaqado joojinta uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku sameeyay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo magacaabida Taliyaha KMG ah ee NISA.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in lagu boggaadinayo doorka iyo go’aanka uu ra’iisul Wasaare Rooble ka qaatay kiiska sarkaal Ikraan Tahliil.

Jubaland waxay caddeysay in Ra’iisul Wasaare Rooble mas’uul ka yahay amniga doorshada iyo hirgelintya qorshayaasha amni ee dalka.

Sidoo kae Jubaland waxay ku eedeeysay madaxweyne farmaajo, inuu xagal-daacinayo go’aanada iyo mas’uuliyadaha Ra’iisul Wasaaraha, taasi ay sababi karo carqalad ku timaada doorashada dalka.

jaband.jpg?resize=526%2C681&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo taageertay Rooble, eedeyna u jeedisay Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this