Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr. Cabdiweli Gaas: Rooble wuxu qaatay go’aan saxan waana tallaabada keliya oo u furnayd

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo wareysi siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da, ayaa tallaabo saxan ku tilmaamay shaqa-joojinta Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyay Agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin.

Dr. Cabdiweli Gaas oo sidoo kale Ra’iisul wasaare ka soo noqday Soomaaliya, ayaa sheegay in aysan jirin tallaabo kale oo u furnayd Ra’iisul wasaare Rooble, ayna tahay in lagu taageero go’aankiisa, si dalka loo badbaadiyo.

Ex. Ra’iisul wasaare Gaas, ayaa tilmaamay in Agaasimaha NISA uusan macluumaad lagu qanci karo ka bixin baaritaanka kiiska Ikraan Tahliin Faarax, islamarkaana ka jawaabi waayay su’aalihii laga rabay.

Sidoo kale, wuxu sheegay in Fahad Yaasiin baal-maray dalabkii Ra’iisul wasaaraha, ee ahaa in warbixin dhammaystiran laga siiyo Kiiska Ikraan Tahliil, kadib markii uu Fahad sheegay in warbixinta uu ka hor-jeedin doono Golaha Amniga Qaranka.

Ugu dambayntii, Cabdiweli Gaas ayaa uga digay Madaxweyne Farmaajo in uusan carqalad ku samayn go’aanka Ra’iisul wasaaraha, ugana sii darin xaaladda ka dhalatay Kiiska Ikraan Tahliin Faarax.

PUNTLAND POST

The post Dr. Cabdiweli Gaas: Rooble wuxu qaatay go’aan saxan waana tallaabada keliya oo u furnayd appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this