Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumada S/land oo Dawlad-degaanka Somalida Itoobiya ku wareejisay Gaadhi laga soo dhacay & Dadkii lagu qabtay+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukumada S/land oo Dawlad-degaanka Somalida Itoobiya ku wareejisay Gaadhi laga soo dhacay & Dadkii lagu qabtay

 

Gaadhi noociisu yahay NISSAN DEISEL (iskarogo Shaamboo ah) oo bilaa taariko Number ah gacantana ay kusoo dhigeen ciidanka Booliska Somaliland gaar ahaan Saldhiga Macalin Haaruun goor saacaddu ahayd 2:00 am habeennimo muddo laba bilood ku dhaw ayaa baadhitaan lagu hayey aakhirkii waxa la ogaaday in lagala soo baxsaday dawlad deegaanka Soomalida, waxa xarunta maamulka Gobolka Maroodijeex noogu yimid nin ganacsade ah kana soo jeeda Dawlad deegaanka Soomaalida oo watta buuggii gaadhigan kuna dhamaayeen dhammaan astaamihii sharci ee mulkiyadeed.
Heshiiska wada shaqayneed ee xuduudaha una dhexeeya Somaliland iyo Dawlad deegaanka Soomalida iyo guud ahaan Dawladda Federalka Ethiopia oo labada dhinacba ay fuliyaan aadna u wanaagsan wakhtigan aawadeed waxaanu xukuumad ahaan ku wareejinay gaadhigii oo dhamaystiran, eedaysanihii watay iyo Ganacsadihii sheegtay in lagala soo baxsaday laamaha amaanka ee Dawlad Deegaanka Soomalida.
241528947_10223972946223810_890534542694
241439759_10223972946743823_455958338182
241272513_10223972947223835_334291705325
241451548_10223972947543843_311434758295

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this