Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: ‘Afgambi militari oo ka dhacay’ mid ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Conakry (Caasimada Online) – Cutub ka mid ah ciidamada xulka ee dalka ku yaalla galbeedka Afrika ee Guinea ayaa ku dhaqaaqay afgambi, ayaga oo sheegay inay gacanta ku dhigeen madaxweyne Alpha Conde, islamarkaana ay kala direen dowladdii.

Askari aan la aqoonsan oo hugan calanka Guinea, islamarkaana ay ku hareereysan yihiin sideed askari oo kale, ayaa taleefishinka dowladda ka sheegay inay qorsheynayaan inay dhisaan dowlad ku-meel gaar ah, ayna faah-fahain dheeri bixin doonaan goor dambe. 

“Waxaan go’aansanay in kadib markii aan gacanta ku dhignay madaxweynaha inaan baabi’ino dowladda,” ayuu yiri askariga. Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in xuduudaha dhulka iyo cirka ee Guinea la xiray.

Hase yeeshee xaaladda dhabta ah ayaan weli kala caddeyn, ayada oo dowladda Conde ay sii deysay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in “la iska caabiyey,” weerar ay madaxtooyada kusoo qaadeen ciidamada gaarka ah ee dalka.

Rasaas culus ayaa subaxnimadii Axadda ka qaraxday meel u dhow madaxtooyada ee magaalada caasimadda ah ee Conakry, ayada oo il-wareedyo dhowr ah ay sheegeen in cutub ka mid ah ciidamada xulka ee dalkaas, oo uu hoggaaminayo Mamady Doumbouya oo horey uga tirsanaa ciidamada Faransiiska ay ka dambeeyaan xasillooni darrada.

Conde ayaa markii ugu horreysay xukunka qabtay 2010, kadib markii dalkaas ay ka dhacday doorashadii ugu horreysay ee dimoqraadi ah, tan iyo markii uu madax-banaanida ka qaatay Faransiiska, 1958-kii.

Dad badan ayaa madaxweynenimadiisa u arkay bilow cusub oo uu yeeshay, dalka oo ay hareeyeen tobaneeyo sano oo musuq-maasuq iyo xukun kali-talis ah.

Si kastaba, mucaaradka ayaa sheegay inuu ku guul-darreystay inuu horumariyo nolosha shacabka, oo badankood ah ku nool saboolnimo, xilli dalka uu hodan ku yahay kheyraad badan oo macdanta iyo dahabka ay ka mid yihiin. 

Conde ayaa 2011-kii wuxuu si dirqi ah uga baxsaday isku day lagu khaarijin lahaa kadib markii dabley ay hareereeyeen gurigiisa xilli habeen ah, kuna dhufteen gantaallo. Sidoo kale bam lagu tuuray guriga ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisa. 

The post DEG DEG: ‘Afgambi militari oo ka dhacay’ mid ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this