Sign in to follow this  
Deeq A.

Dal Soomaaliya Xiriirka U Jartay Oo Afganbi Uu Ka Dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan inta la xaqiijiyay Laba qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii ay rasaas fureen ciidamada dowladda kuwaas oo ku sugna afaafka hore ee Madaxtooyada Guinea.

Ciidamada militeriga ayaa xukunka ka tuuray madaxweynaha dalkaas Alpha Conde, kadib Afgambi ay kula wareegen talada dalka.

Afaafka hore ee qasriga madaxtooyada ayaa lagu arkayaa kolonyo gadiidka ciidamada Militeriga ah kuwaas oo hareeyay guriga madaxweynaha.

Madaxweyne Alpha Conde, ayaa iminka gacanta ugu jira ciidamada Militeriga, sawira laga soo qaaday ayaana muujinaya madaxweynaha oo ay ku hareereysan yihiin ciidamo hubeysan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay xiriirka uu jartay dalkaan kadib markii 2019-kii uu madaxweynaha Somaliland booqasho ku tagay dalkaas.

241459416_4972452302769476_6539534991349

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this