Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir suuxdin la dhacay ka dib markii lagu wargeliyey in xilka laga qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir suuxdin la dhacay ka dib markii lagu wargeliyey in xilka laga qaaday

Wasiirkii tamarta waddanka Nigeria, Saleh Mamman, ayaa miyir-beelay ka gedaal markii ay soo gaartey akhbaar sheegeysa in xilka laga qaadey.

Saleh Mamman oo xilka hayey tan iyo 2019-kii ayaa markii uu suuxay waxaa la dhigay isbitaal halkaasoo lagu daaweynayo haatan.

Qoyskiisa ayaa waxay warbaahinta u sheegeen in  uusan fileyn kana naxay xilka ka qaadista lagu sameeyey.

63 sano jirkan ayaa 3-dii bilood ee lasoo dhaafay deganaa Hotelka loo tamashlo tago ee Transcorp Hilton halkaasoo ay ku biilayeen ganacsato ka fileysay inuu qandaraasyo siinayo sida uu qoray The Street Journal.

Wasiir Mamman ayaa ku baxay isku-shaandheyn uu golaha wasiirada bdala Nigeria ku sameeyay madaxwayne Muhammadu Buhari, waxaana dhacdadan si weyn looga hadal hayaa dalka Nigeria.

wasiir.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this