Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyay ee xaaladda Afghanistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Taalibaan ayaa sheegay in ay horumar ka sameeyeen dagaalka ka socda dooxda Panjshir oo ah gobalka kaliya ee ku jira kooxda mucaaradka ah

Afhayeen u hadlay jabhadda NRF ee madaxda u yahay Axmed Mascuud ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Taalibaan ay gaareen deegaanka Darband oo oo ku yaala xadka gobalada Kapisa Iyo Panshjir balse ay iska caabiyeen.

War ka soo baxay Taalibaan ayaa lagu sheegay in guulaha ay gaareen ay caqabado ku noqdeen miinooyin lagu aasay wadada gasha magaalada Bazarak ee caasimada gobalka.

Ururka Taalibaan ayaa todobaadyo ka hor la wareegay wadanka Afghanistan kadib markii ay ka baxeen ciidamadii shisheeye ee uu hor kacayey Mareykanka.

Dooxda Panjshir ayaa ka mid ah meelaha ay ka dhaceen dagaaladii looga soo horjeeday ururkii midowga soofiyeeti ee ku duulay Afghanistan tobonaan sanno ka hor.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u dambeeyay ee xaaladda Afghanistan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this