Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Guudlaawe oo laga dalbaday in uu deg deg u soo gudbiyo liiska Aqalka sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle ayaa soo saaray qoraal uu madaxweyne Cali Guudlaawe uga codsaday in uu deg deg u soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ka soo gelaya HirShabeelle.

Guddiga ayaa qoraalkiisa ku sheegay in isagoo tixraacaya heshiisyadii laga gaaray doorashada iyo ilaalinta waqtiga jadwalka loo dejiyey in doorashadu ku dhacdo ay madaxweynaha HirShabeelle ka codsanayaan in uu u soo gudbiyo liiska xubnaha u tartamaya golaha Aqalka Sare.

Waxuu guddigu qoraalkaan ku cadeeyey in mas’uuliyadi ka saran tahay ilaalinta waqtiga loo qorsheeyey in doorashada lagu qabto, waxuuna qoraalka guddigaan heer dowlad gobooleed ee HirShabeelle ku soo aadayaa, iyadoo xalay guddiga doorashooyinka heer federaal uu soo saaray jadwalka doorashada.

 Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaas lagu kala cadeeyey goorta lasoo gabagabeynayo doorashada Aqalka Sare iyo goorta ay bilaabaneyso tan golaha shacabka.

1-2.jpg?resize=718%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Cali Guudlaawe oo laga dalbaday in uu deg deg u soo gudbiyo liiska Aqalka sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this