Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo amar dul dhigay Fahad Yaasiin

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210904_213341300.jpg?resi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin in uu 48 saac gudohood ku soo gudbiyo warbixin dhammeystiran oo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo caawa muuqaal soo duubay ayaa sheegay in aysan ahayn mid lagu qanci karo warbixinta ay soo saartay NISA, isla markaasna aysan wadan caddeymo ka jawaabaya su’aalaha la xiriira kiiska Ikraan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in uu la socday kiiska Ikraan oo waqti ku filan siiyay hoggaanka Hay’adda Nabad-sugidda si ay u soo gudbiyaan xog dhamaystiran oo lagu qanci karo, balse aysan taasi dhicin.

Waxa uu sheegay marka ay soo gaarto warbixinta kiiska Ikraan in uu go’aan ka qaadan doono oo la wadaagi doono shacabka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shacabka ugu baaqay in ay muujiyaan degganaan, isla markaana aysan waxyeelo u geysan dad aan waxba galabsan.

Hoos ka daawo muuqaalka Rooble

PUNTLAND POST

The post Rooble oo amar dul dhigay Fahad Yaasiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this