Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo xaqiijisay in Ciidamada Puntland ku biireen dagaalka Koonfurta Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xaqiijisay in Ciidamo ka tirsan PSF-ta Puntland ku biireen dagaalka ka socda koonfurta Gobolka Mudug.

Wasiir ku-xigeenka Amniga Galmudug, Cabdullaahi Cabdisalaan oo la hadlay Wakaalada Wararka Reuters ayaa u sheegay in ciidanka Puntland ay ku biireen dagaalka, si qeyb uga noqdaan xoraynta degaannada Al-shabaab ka haysato Galmudug

Wasiirka ayaa sheegay in sababta Ciidanka uga dalbadeen Puntland ay tahay in ay khibad u lee yihiin la dagaalanka Al-shabaab, isla markaana ay doonayaan inay ka caawiyaan sidii dhulka Shabaab ka heysato Galmudug looga saari lahaa.

Maamulka Galmudug ayaa muddooyinkii dambe dagaal adeg kula jiray Al-shabaab, waxaana dhinacyada dhexmaray dagaalo kala duwan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalena dhinacyada ay kala qabsadeen degaano dhowr ah.

PUNTLAND POST

The post Galmudug oo xaqiijisay in Ciidamada Puntland ku biireen dagaalka Koonfurta Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this