Sign in to follow this  
Deeq A.

Taalibaan oo shaacisey inay la wareegtay dooxada Panjshir oo uu 2 Cisho ka socday dagaal lagu hoobtay+Muqaal

Recommended Posts

Deeq A.   
Taalibaan oo shaacisey inay la wareegtay dooxada Panjshir oo uu ka socday dagaal lagu hoobtay
talib.jpg

Mustaqbalka Dooxada Panjshir ayaa weli ah mid cakiran oo weli waxaa socda dagaal culus oo u dhaxeeya Taalibaan iyo kooxda difaacaneysa dooxada.

Ilo wareedyo Taalibaan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay qabsadeen aagga, laakiin kooxda Panjshir ayaa arrintaas beenisay.

Dhanka kale Cali Nazari, oo ah afhayeenka dagaalyahannada Jabhadda Iska-caabbinta Qaranka, ayaa BBC World News waxa uu u sheegay in fallaagadu ay dib u riixday Taalibaan.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Afghanistan Amrullah Saleh, oo dhawaan ku biiray kooxda NRF ee ka soo horjeeda Taliban ee Panjshir, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu baxsaday.

Hase yeeshee, wuxuu qiray in xaaladdu aad u adag tahay. Boqolaal qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dagaalka ka socda Panjshir.

Dagaalyahannada wax-iska-caabbinta oo ay ku jiraan ciidamo hore uga tirsanaan jiray milateriga Afgaanistaan iyo maleeshiyaad maxalli ah – ayaa waxaa hogaaminaya hogaamiyaha qabiilka halkaas deggan ee Axmed Mascuud. Aabihii ayaa guulo ka soo hooyay dagaalkii Midowgii Soofiyeet kaas oo dalkaas soo galay 1980-yadii, iyo weliba ururka Taalibaan oo uu la dagaallamay 1990-yadii.

Waxay ku taalaa woqooyiga caasimadda, Kaabul, dooxadani waa mid ka mid ah gobollada ugu yar Afgaanistaan ​​oo hadda ah gobolka keliya ee aan weli gacanta u gelin hayn Taalibaan.

Goobtaas oo caadiyan lagu yaqaan in laga mucaarado Taalibaan ayaa waxa ay hoy u tahay inta u dhaxaysa 150,000 illaa 200,000 oo qof, waxaana ku hareeraysan buuro.

Farriin muuqaal ah oo uu BBCda u soo diray ayuu Mr Saleh, madaxweyne ku xigeenkii hore ee Afgaanistaan, waxa uu ku sheegay in labada dhinacba uu dagaalka khasaare ka soo gaaray.

“Waxaanan shaki ku jirin in xaaladdu ay adag tahay. Taalibaan ayaa weerrar nagu hayso,” ayuu yiri.

Hasayeeshee waxa uu ku daray intaas: “Ma isdhiibi doonno, Afgaanistaan ayaan u taagannahay.”

Waxa uu sheegay in muuqaalka uu u soo diray si uu dadka ugu xaqiijiyo in wararka sheegaya inuu dalka isaga baxay ay been yihiin. Sikastaba xaalku ha ahaade, BBCda ayaanan si madax bannaan u xaqiijin karin deegaanka uu ninkaasi ku sugan yahay.1px transparent line

Cali Nazari, afhayeenka dagaalyahannada Jabhadda Iska-caabbinta Qaranka, ayaa BBC World News waxa uu u sheegay in fallaagadu ay dib u riixday Taalibaan.

A video message sent to us @BBCWorld from one of the leaders of the anti-Taliban resistance, fmr VP @AmrullahSaleh2 who says they're under attack from terrorists and points the finger of blame at Pakistan. Pakistan of course deny they support Taliban forces #Panjshir #Afghanistan pic.twitter.com/w3e6GnrRXi

— Yalda Hakim (@BBCYaldaHakim) September 3, 2021

“Boqollaal dagaalyahannada Taalibaan ah ayaa go’doon ku jira. Rasaastiina waa ay ka sii dhammaanaysaa, waxaana haatan socda wadahadalkii ay isku soo dhiibi lahaayeen,” ayuu yiri.

Hasayeeshee saraakiisha Taalibaan ayaa iyana guul ka sheeganayay deegaankaasi, iyadoo taliye uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters: “In amarka Alle, aannu haatan maamulno guud ahaan Afgaanistaan. Dadka qaswadayaasha ah ayaa laga adkaaday Panjshir-na haatan waxa ay ku jirtaa gacanteenna.”

 

Taalibaan ayaa haatan waxa ay gacanta ku haysaa inta kale ee dalka, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo aaddan ay ku dhawaaqaan dowlad cusub.

Midowga Yurub iyo UK ayaa Jimcihii waxa ay ku biireen Mareykanka iyagoo sheegay inay la tacaamuli doonaan kooxdan Islaamiga ah, hasayeeshee aanay u aqoonsan doonin dowladda Afgaanistaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this