Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbaahinta Itoobiya Maxay Ka Qortay Wefti Ka Socda Dalkooda Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta Dawladda Itoobiya ayaa shalay si weyn u qaadaa dhigtay kulankii caasimadda Hargeysa ku dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo  Wasiirul-dawladaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Ridwaan Xuseen oo socdaal yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Idaacadda Faana ee Itoobiya oo sheegtay in Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirul-dawlaha Khaarajiga Itoobiya ay wadajir u falanqeeyeen arrimo la xidhiidha Ammaanka, dadka socotada ah ee xudduudaha iskaga gudba.

Waxa kaloo warbaahinta Itoobiya ay intaas ku dartay in labada dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya labada ummadood ee Somaliland iyo Itoobiya.

Warbaahinta Itoobiya waxay xustay in si diirran weftiga  ka socday dalkooda loogu soo dhaweeyey madaarka Cigaal International Airport ee caasimadda Hargeysa.

Sidoo kale waxa warku intaas ku daray in Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya  Md.Ridwaan Xuseen iyo  ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md.Liibaan Yuusuf Cismaan, ay kulan ay yeesheen ku lafo-gareen sidii dib loogu bilaabi lahaa dadka iskaga gudbaya xuduudda Wajaale iyadoo la raaciyo nidaamka tilmaamaha caafimaadka ee xannuunka COVID 19.

Idaacada Faana waxay sheegtay in Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya uu booqday dekedda Berbera, isla markaana uu sheegay inay doonayaan inay  adkeeyaan cilaaqaadka ganacsi ee ka dhexeeya Somaliland oo ay kor u qaadi doonaan maalgashiga iyo dalxiiska laga faa’iidaysanayo mashruuca Berbera Corridoor.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this