Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Ururo siyaasadeed oo eedeymo u jeediyay Xukuumadda, TPEC, PDRC iyo PUNSAA

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210903_195859826.jpg?resi

Qaar ka mid ah ururada siyaasadda Puntlad ayaa ka hadlay caqabado sharci iyo farsamo oo ay sheegeen in ay ka jiraan hannaanka doorashooyinka Puntland.

Shan urur siyaasadeed oo kala ah Mustaqbal, Runta iyo Caddaaladda, Ifiye, Dhalinyarada iyo Shaqaalaha ayaa qoraal wada jir ah oo ay goordhaweyd soo saareen ku soo bandhigay qodobo ay sheegeen in ay caqabad ku yihiin doorashooyinka tijaabada ha ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Ururada waxay sheegeen in Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) iyo qaar ka mid ah ururada siyaasadda ay ka dhex abuurantay kalsooni darro, markii dhawaan shir dhacay oo ku dhammaaday natiijo la’aan ay TPEC ku tilmaantay mid la isku isfahmay.

Ururadu waxay walaac ka muujiyeen Maxkamada Sare Puntland ee waqtigeedu dhamaaday iyo Maxkamad Dastuur ah oo aan jirin.

Ururadu waxay xukuumadda Puntland ku eedeeyeen in aysan bixin dhaqaalihii miisaaniyadda dowladda ku jiray ee loogu talagalay doorashooyinka.

Sidoo kale waxay dacaayad iyo eex ku eedeeyeen hay’adda PDRC iyo dalladda PUNSAA oo ka qeybqaadana doorashooyinka Puntland.

Ugu dambeyn waxay ku baaqeen shanta urur siyaasadeed in ay wadahadal dib isugu yimaadaan TPEC, dowladda iyo dhammaan ururada siyaasadda, si heshiis wadar ogol ah looga gaaro arrimaha doorashooyinka Puntland.

FB_IMG_16306845667857966.jpg?resize=654%

PUNTLAND POST

The post Puntland: Ururo siyaasadeed oo eedeymo u jeediyay Xukuumadda, TPEC, PDRC iyo PUNSAA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this