Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab: “Wax shaqo ah kuma lihin dilka iyo Afduubka Ikraan Tahliil”

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210903_155700272.jpg?resi

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegay in aysan dilin Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsanayd Hay’adda Sirdoonka iyo
Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA).

War ka soo baxay Al-shabaab oo lagu baahiyay warbaahinta internet-ka ee taageerta ayaa lagu xusay in aysan wax shaqo ah ku lahayn dilka iyo afduubka lagula kacay Ikraan.

Al-shabaab waxay sheegtay in ay beegsadaan oo ay bartilmaameed u yihiin madaxda iyo saraakiisha hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayna sheegtaan oo cidna uga haybeysan, hase ahaatee dilka Ikraan lagu masabitay oo fajac ku noqotay.

Hay’adda NISA ayaa xalay war ay soo saartay ku sheegtay in Al-shabaab ay dileen Ikraan Tahliil Faarax, oo ahayd gabar ka tirsan hay’addaas oo la la’aa tan iyo 26-kii June, 2021.

Hooyada dhashay Ikraan oo lagu magacaabo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa dhankeeda waxba kama jiraan ku tilmaantay warkaas iyadoo sheegtay in gabadheeda Ikraan ay ku maqan tahay gacanta Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.

Ikraan Tahliil ayaa hay’adda NISA ku soo biirtay 2017, iyadoo ahayd madixii amniga internet-ka ee hay’addaas, waxayna mar ka soo shaqeysay xafiiska duqa Muqdisho, markii uu xilka hayay guddoomiyihii qaraxa lagu dilay Cabdiraxmaan Yariisow.

Ikraan oo ahayd 25 sano jir khibrad u leh laamaha amniga ayaa wax ku soo baratay dalka dibadiisa, gaar ahaan dalka Ingiriiska.

Ikraan ayaa markii cid ugu dambaysay waxaa la sheegay in ay ahayd xilli habeen ah oo ay raacday gaari u diiwaan gashan hay’adda NISA.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab: “Wax shaqo ah kuma lihin dilka iyo Afduubka Ikraan Tahliil” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this