Deeq A. Posted September 3, 2021 WASIIRKA CUSUB EE BEDELAY SHEEKH KHALIIL MALAHA WAA DHAGAX KELIYA UU DOONAYO MADAXWAYNE BIIXI IN LABA SHIMBIROOD UU KU WADA DILO Enough is enough. Ugu dambaystii 11 sanadood ka dib ayaa xilkii laga qaaday Sh. Khaliil. Muddadaasi dheer kooxdiisa adag ayaa loo mari la’aa oo kursiga ku ilaashanaysay, isaguna runtii nin macquul ah buu ahaa. Wasiirka lagu bedelay sida la ii sheegay waxay isku ardaa yihiin C/maalik Coldoon oo hadda xabsiga ku jira. Dhinaca aragtidiisa diiniga ahina sida la leeyahay way ka duwan tahay ta kooxda Khaliil uu ka tirsanaa haba jirto in ay isku Wahaabiyiin yihiin oo aanay wax badan ku kala duwanayn xaga Dugsi Fikradeedka (School of thought) eh. Hadana waa laba kooxood oo aan midna mid bixinin tartanna ka dhexeeyo. Markii Masar ay Akhwaaanku doorashada ku adkaadeen ee Maxamed Mursi uu Madaxwaynaha noqday, sanad ka dib way kala leexdeen iyaga iyo kooxdii kale ee Islamiga ahayd ee Salafiyiintu. Afgembigii Akhwaankana Salafiyiintu raali bay ka ahaayeen hadii aanay qaybba ka ahayn. Xagga Khaliijka waa Pro-Doha iyo Pro-Riyaad. Waa sida shaarac Hargeysa Taala eh. Hadii ay sidaa tahay marka aan sadarada dhexdooda akhriyay Wasiirka cusub ee Wasaaraddu waa dhagax keliya oo Madaxwayne Biixi uu doonayo in uu ku wada dilo laba shimirood. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites