Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA: Ikraan Tahliil waxaa dilay Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
ikraan-tahliil.jpg?resize=640%2C360&ssl=

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsanayd Hay’adda Sirdoonka iyo
Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) muddana la la’aa ay dileen Al-shabaab.

War qoraal ah oo ay goordhaweyd soo saartay NISA laguna baahiyay baraha bulshada ee warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa lagu sheegay in baaritaan ay ku hayeen kiiska Ikraan ay ku ogaadeen in ay u gacan gashay kooxda Al-shabaab, kadibna ay dileen.

Marka laga tago warka NISA, ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya in ay Al-shabaab dileen Ikraan Tahliil oo ahayd xubin firfircoon oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Ikraan oo ahayd gabar da’yar ayaa la la’aa tan iyo 26-kii June ee sanadkan, waxaana kiiskeeda baarayay guddi uu magacaabay Xeer Ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Gen. Cabdullaahi Buulle Kamay.

Ikraan Tahliil ayaa hay’adda NISA ku soo biirtay 2017, waxayna horay uga soo shaqeysay xafiiska duqa magaalada Muqdisho, markii uu xilka hayay guddoomiyihii qaraxa lagu dilay Cabdiraxmaan Yariisoow.

Ikraan ayaa markii cid ugu dambaysay waxaa la sheegay in ay ahayd xilli habeen ah oo ay raacday gaari u diiwaan gashan hay’adda NISA.

PUNTLAND POST

The post NISA: Ikraan Tahliil waxaa dilay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this