Sign in to follow this  
Deeq A.

Hirshabeelle oo si ka duwan maamullada kale ku soo xuli doonta Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16305948560777593.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ballan-qaaday in uu muwaadin walba oo xaq leh, buuxiyana shuruudaha looga baahan yahay musharaxnimo ku soo dari doono liiska musharaxiinta Aqalka sare.

Madaxweyne Guudlaawe oo hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu furayay kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in uusan ku soo xuli doonin liiska Aqalka Sare nin jeclaysi iyo nin nebcaysi midna, hase ahaatee uu ku soo xuli doono caddaalad.

Wuxuu xusay in go’aanka qofka ka mid noqonaya Aqalka Sare ay leeyihiin Baarlamaanaka Hirshabeelle oo doorasho ku kala saari doona tartamayaasha Aqalka Sare, wuxuuna ugu baaqay xilhibaannada in ay ku kala xushaan aqoontooda iyo khibradoona.

Munaasadda uu hadalkan ka jeedyay Guudlaawe waxaa ku sugnaa rag doonaya in ay ka soo dhexmuuqdaan liiska tartamayaasha Aqalka Sare oo la filayo in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo.

Hoos ka eeg muuqaalka hadalka Guudlaawe.

PUNTLAND POST

The post Hirshabeelle oo si ka duwan maamullada kale ku soo xuli doonta Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this