Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradda Fyl Dubia Oo Saaka Dib U Bilowday Duulimaadyadii Ay Ku Iman Jirtay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaaradda Fyl Dubia ayaa saaka dib u bilowday duulimaadyadii ay ku iman jirtay Somaliland, ka dib muddo sannad ka badan oo ay xayiraad saarnayd.

Saaka, ayey qaaday rakaabkii u horreeyey, iyada oo mid cusubna keentay Madaarka Magaalada Hargeysa.

Diyaaraddan, oo dhawaan ay Xukuumaddu ka qaaday xayiraadii saarnayd, ayaa soo laabashadeeda waxa soo dhawaayey bulshada Somaliland, gaar ahaan qurbo jooga iyo ganacstada oo muddadii la joojiyey duulimaadyadeeda kala kulmi jiray dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid tahay dhinaca qiimaha lagu raaco diyaaraddaha kale ee dalka yimaada.

  • FB_IMG_1630558661789.jpg
  • FB_IMG_1630558659013.jpg
  • FB_IMG_1630558656544.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this