Sign in to follow this  
Deeq A.

Shamuuri Oo Geeriyooday, Akhriso Taariikhdiisa Oo Kooban

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaah u naxariiste waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Aadan Abdiid (Shamuuri) oo ka mid ahaa hobaladii Fanka Soomaalida.

Shamuuri ayaa mudda dheer ku dhex jiray howlaha fanka, isagoo sidoo kale ka mid ahaa Jilayaasha aadka looga yaqaanay masraxyada Ruwaayadaha.

Taariikh Kooban Maxamed Aadan Abdiid (Shamuuri) 

Allaah u naxariiste Maxamed Aadan Abdiid (Shamuuri)  waxaa sanadkii 1958-kii ku dhashay magaalada Jowhar, halkaas oo uu ka soo bar baaray yaraantiisi.

Waxa uu sanadkii 1972-kii fanka ka soo galay kooxdii hobalada Fanka ee Yogol oo ka dhisneyd magaalada Jowhar.

Gu’gii 1974-kii ayuu ku biiray kooxdii Hobalada Qaranka ee Waaberi, xilliigaas oo uu socday olalihii horumarinta Afka.

Shamuuri waxa uu qeyb ka noqday ruwaayado badan, isagoo qaaday Heeso isugui jira Jaceyl iyo Wadani.

Maxamed Shamuuri ayaa ku soo caanbaxay heestii Qufac iyo Kalgacal, oo uu curiyey Diiriye Gacan isaguna uu laxanka saaray.

Allaah u naxariisto Fanaan Shamuuri ayaa qeyb ka noqday jilidda iyo laxameynta ruwaaydaha kala ah : Yaa u wanqalay Waqtiga? , Kibirkii Beerta iyo riwaayaddii Dhego Awdan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this