Sign in to follow this  
Deeq A.

Fanaankii Maxamed Aaden Shamuuri oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariistee waxa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaankii Soomaaliyeed ee Hooballada Waaberi Maxamed Aadan Shamuuri.

Geerida marxuumka wax aka tacsiyeeyay geeridiisa Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe.

Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii, Hoboladda Qaranka ee Waabari iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo.” 

Maxamed Aasan oo ku magac dheeraa Shamuuri waxa uu fanka ku biiray dabayaaqadii 1970-meeyadii, waxuuna xalay ku geeriyooday degmada Warta-Nabadda ee magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Fanaankii Maxamed Aaden Shamuuri oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this