Deeq A. Posted September 2, 2021 Allaha u naxariistee waxa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaankii Soomaaliyeed ee Hooballada Waaberi Maxamed Aadan Shamuuri. Geerida marxuumka wax aka tacsiyeeyay geeridiisa Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe. “Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii, Hoboladda Qaranka ee Waabari iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo.” Maxamed Aasan oo ku magac dheeraa Shamuuri waxa uu fanka ku biiray dabayaaqadii 1970-meeyadii, waxuuna xalay ku geeriyooday degmada Warta-Nabadda ee magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Fanaankii Maxamed Aaden Shamuuri oo geeriyooday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites