Sign in to follow this  
Deeq A.

“Anniga Iyo Shacbiguba Ma Nihin Kuwii Shaanida Lagu Baqo Gelin lahaa.” Dib U Xasuuso Dhibaatooyinkii BIIXI U Geystay SIILAANYO

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha hadda xilka haye ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa mucaarad-nimo kale hor tegay Madaxweynihii isagga xilka Guddoomiyenimada KULMIYE iyo Madaxweynenimada ku wareejiyey ee Axmed Siilaanyo,kadib markii sannadkii 2014-kii uu ka dhex qarxay murrankii Musharraxnimada Madaxweyne ee KULMIYE.

Madaxweynaha hadda Xilka haye ee Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul u mucaaradi jiray Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo,taas oo uu eedaymo kale duwan u jeedin jiray,isagoo si addag ugu dhalliilay xadhigii Cabdilaahi Abokor oo ciidanka hub kale hor tegay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa wakhtigaas waxa kale oo dagaalka Xukuumadda Siilaanyo uu kula jiray la safnaa Madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta Beeshiisa,kuwaas oo dhalliili jiray Xukuumadda Axmed Siilaanyo,isla markaana eedaymo u jeedin jiray Beesha Axmed Siilaanyo.

Waxa kale oo wakhtiyadaas samays-may urur dhallinyaro oo Subeer Awal ah,kaas oo lagu magacaabi jiray jiidali,isla markaana fagaarayaasha ka eedayn jiray Madaxweyne Siilaanyo iyo Beesha Habar-jeclo,kuwaas oo qaarkood hadda Xisbiga KULMIYE ay xilal ka hayaan qaarna Xukuumadda Madaxweyne Biixi,waxaana xusid muddan in loo nisbayn jiray inuu dabada ka riixayo Madaxweyne Biixi oo uu isagu u samaystay Siilaanyo.

Dhanka kalene qarax-yadda shaanida ayaa ahaa kuwo si joogta ah u dhici jiray,kuwaas oo amaanka lagu khal-khalin jiray,isla markaana uu Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inuu qarax-yadda shaannida ka dambeeyo Muuse Biixi Cabdi “Waxaa ayaan-darro ah, in kuwii aan ammaanka u diray iyo kuwii damaca lahaa, ee dalkan inay xukumaan doonayey, laga soo sheego waxyaalo ammaanka kulidi ah, iyo inay isku dayaan in ay qarankan khalkhal geliyaan…”ayuu yidhi Axmed Siilaanyo

Madaxweyne Siilaanyo oo wejigiisa cadho laga dheehanayey, waxa uu sheegay inaanu ahayn ninkii lagu cabsi gelin lahaa Qaraxyo (Shaani) sida uu hadalka u dhigay, waxaanu sheegay inuu sharciga la tiigsan doono cid kasta oo ka dambaysay qaraxyadaas“Anigaa masuuliyada 1aad iga saarantahay, umma dulqaadanayo mana aqbalayo cidna gorgortan kala gelimaayo ammaanka iyo xasiloonida dalka. Waxaan ku qaban doonaa gacan adag, waxaan la tiigsan doonaa sharciga, aniga iyo shacbiguba ma nihin kuwii Shaanida lagu baqo gelinlahaa.” Madaxweyne Axmed-Siilaanyo

Waxa kale oo uu sheegay inaanu jirin wax ballan ah oo u dhexeeyey isaga iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi“Arrinta Musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga kulmiye ma jirto balan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee..”ayuu yidhi Siilaanyo

Dhanka kalena Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Madaxweynaha Somaliland ee wakhtigan ayaa beeniyey xilligaas inuu ku lug lahaa qarax-yadda shaannida “waxaanu ka diidanahay oo waxa nalagu eedeeyey ee ah waxa waxaa qarxinaaya rag madaxnimo waan ka xumay in madaxweynaha afkiisa ay ka soo baxdo.” Ayuu yidhi sannadkii 2014-kii Madaxweyne Biixi

Haddaba markii ay Golaha Guurtida Somalliland khilaafkii u dhaxeeyey Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi ay xalliyeen ayaa Madaxweyne Siilaanyo yidhi “waxa inoo sharaf ah in Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,halkan inala joogo, waxaan jecelahay inaan idiin sheego in Aniga iyo Gudoomiyuhu aanu wada heshiinay, Sidaasi darteed waxaa loo baahan yahay in Xukumad iyo Xisbi ahaanba aynu u wada shaqayno si niyad sami ah. Waxaanu ku wada heshiinay Go’aamadii Guurtidu ka soo saartay Khilaafkii Xisbiga Kulmiye.” ayuu yidhi Siilaanyo.

Si kastaba ha-ahaatee markii heshiiskaa siyaasadeed la kala dhex dhigay Madaxweyne Siilaanyo iyo Biixi waxa markiiba joogsaday eedayntii Madax-dhaqameedka iyo Siyaasiyiinta iyo dhallinyaradii Jiidali ay ujeedin jireen Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo beesha Habar-jeclo,waxa kale oo meesha ka baxay oo joogsaday qarax-yaddii shaannida.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this