Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog Cusub: Halkuu Ku Dambeeyey Siyaasi Jamaal Cali Xuseen

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa la si weydiinayaa halka uu ku dambeeyey waxaana dad baddan ugu dambaysay wakhtigii olollaha doorashadii Madaxtooyadda sannadkii 2017-kii.

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa dadku inta baddan waxay ku xasuustaan weedhihiis ahaa waxaan oggaaday in Muuse Biixi uu Geellu iskugu kaayo jiray,balse tan iyo markii Madaxweyne Muuse Biixi xilka loo dhaariyey laguma arrag fagaarayaasha siyaasadda iyo War-baahinta isagoo ka muquurtay inuu ka hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo guud ahaanba arrimaha siyaasaddeed.

Haddaba dadka inta baddan ayaa is weydiinaya halkuu ku dambeeyey Jamaal Cali Xuseen, muxuu la aamusay iyo su’aale kale,haseyeeshee Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa inta baddan ku sugan Magaalada Hargeysa,kaas oo la sheegay in uu ka hawlgallo Wasaaradda Maaliyadda Somaliland,isla markaana uu dhawaan ka soo muuqday baraha bulshada isaga oo tababar siinaya qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland

Geesta kale sababaha uu uga haddli waayey xaaladda siyaasadda ee dalka,ayaa ah  mid la xidhiidha,maddaama oo uu dalka Madaxweyne ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi oo uu Geellu isugu jirro,waxaa muuqata inuu xeeriynayo arrimahaas qayb-yaaladeed iyo kuwa kale oo dabray.

Dhanka kalene Jamaal Cali Xuseen ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey qoraalo koo kooban ku baahinayey baraha Bulshada,kuwaas oo u badnaa qaar duur xul Siyaasadeed ah, haseyeeshee afartaa sanno ee uu xilka hayey Madaxweyne Biixi laguma arrag meel fagaare ah oo uu kaga hadlayo arrimo siyaasadeed,isla markaana kamuu soo dhex muuqan maddalo siyaasadeed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this