Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Waddani oo soo saaray War cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
Xisbiga Waddani oo soo saaray War cusubwaddani.jpg 
Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ku dhawaaqay in uu qabsanayo shirweynihii Xisbigaasi dabayaaqada bisha soo socota ee October.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani, Khadar Xuseen ayaa sheegay in shirkoodu qabsoomo dooni 30 illaa 31-ka bisha tobnaad ee soo socda, kaas oo ka dhici doona Magaalada Hargeysa.

Shirweynahan Waddani oo ah kii labaad ee yy qabsado tan iyo markii la aasaasay 9 sanno ka hor, ayaa la filayaa in lagu doorto hoggaanka cusub ee Xisbiga Waddani, hoggaamin doona.

Xubnaha Hoggaanka ee la filayo in lagu doorto Shirweynahan, waxa ka mid ah Guddoomiyaha Xisbiga Waddani,Ku-ixigeennada iyo Xoghayaha guud.

Xisbiga Waddani, oo isla sannadkan qabsaday shirkiisii golaha dhexe ayaa hore u doortay murrashaxiinta Xisbiga uga qayb galaya doorashada madaxtinimada ee Novermber 2022-ka, iyada oo Cabdiraxmaan Cirro iyo Maxamed aw Cabdi loo doortay in ay noqdaan murrashaxiinta Madaxweynaha iyo kuxigeenka

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this